Muqdisho (Alshahid)- Maamulka Alshabab ee gobolka Banaadir ayaa shalay soo saaray amar uu ku sheegayo in dadka ku dhaqan degmooyinka ay ka maamulaan gobolka Banaadir ay ku tukadaan salaada ciida goobo cayiman.
Gudoomiyaha gobolka Banadir u qaabilsan Alshabab,Sheekh Cali Maxamed Xusseen ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay ku tukadaan 3 goobood oo kala ah:
Stadium Muqdisho, oo ay ku tukan doonaan shacabka degmada Wardhiigley iyo qaybo kamid ah Yaaqshiid sida Suuq Bacaad iyo Siinay.
Xeradii Maslax oo ay ku tukan doonaan degmooyinka Hodan iyo Howl wadaag
Suuqa Xoolaha oo ay ku tukan doonaan degmooyinka Huriwaa iyo qaybo kamid ah Yaaqshiid sida Juungal qeybteeda xigta warsahada baastada.
Sidoo kale waxaa lagu tukan doonaa Degmada Kaaraan.
Gudoomiyaha Alshabab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la furi karin, isla markaasna lagu tukan karin Masaajida ku yaala degmooyinka ay ka arrimiyaan, waxaana uu ka codsaday dadka reer Muqdisho in ay isugu soo baxaan maalinta Ciida.
Waa markii ugu horeysay ee ay Alshabab goobo u ciyimto tukashada salaada Ciida, waxaana ay kusoo beegmaysaa xilli dad fara badan ay ka qaxeen gudaha Muqdisho kadib dagaalo iyo duqaymo aan waqti lahayn.