Muqdisho (Alshahid) – Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen xarakada Alshabab ayaa lagu xusay in ay hay’ada caalamiga ah ee cuntada WFP aysan ka hawl gali karin deegaanada ay Alshabab maamulaan waxii laga bilaabo 14/3/1431 taariikhda hijriyada oo ku aadan maanta oo ah 28/2/201.
Warsaaxaafadeedka ayaa sheegay in go’aankani laqaatay kadib markii la arkay dhibaatooyinka ay hay’adu kuhayso daka Soomaaliyeed. Dhibaatooyinka ayuu warsaxaafadeedku kusheegy in ay yihiin: Suuq la’aan baahsan oo ay hay’adu ku sameysan dalaga beeralayda Soomaaliyeed, hay’ada oo qaybsi cunto dhacday oo halis ku ah caafimaadka dadka, Cuduro badan oo kadhashay cuntada dhacdy ee WFP qaybiso iyo ugu dambeynrtii in cuntadaasi ay WFP qaybis ay tahay mid siyaasadaysan laguna taageerayo xabashada iyo murtadiinta ( waa sida warsaxaafdeedk uqornaa)
Sidoo kale waxa uu warsaxaafadeedka udigay dadka Soomaaliyeed ee WFP lashaqeeya iyo qandaraas layaasha, kuwaasoo uu uga digay cawaaqib xumo hadii ay kahari waayaan WFP.
WFP ayaa waxa ay kawaday Soomaaliya hawlaha cunta qaybinta tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadii 1991.







