Muqdisho (Alshahid)-Ururka Alshabab ayaa digniin xoogan u diray Madaxweynaha iyo shacabka reer Uganda, digniintaas oo ku aadan ciidamo dheeri ah oo ay Uganda usoo dirto Soomaaliya.
Sheekh Fuad Maxamed Khalaf “Shangola” oo kamid ah saraakiisha ugu saraysa Alshabab ayaa khudbad uu ka jeediyay masjid ku yaala suuqa Xoolaha waxa uu kaga hadlay dagaalada ka socda Muqdisho, waxaana uu sheegay in ciidamada AMISOM ay xasuuq ka geysteen Muqdisho.
Fuad Shangole ayaa sheegay in dalka Uganda uu yahay mid la mid ah Ethiopia ayna ka xasili la’dahay Soomaaliya.
“Yuweri Museveni ayaa ah caqabada ugu weyn ee hor taagan nabad ka dhalata dalkeena, sidaas darteen waxaan uga digaynaa in uu Soomaaliya usoo diro ciidamo dheeraad ah, waxaana ku leenahay shacabka Uganda, hadii ciidamadiinu dhulkeen la keeno, jazaha arrinkaas adinka dalkiina la iidinka goyni doonaa.”ayuu yiri Sheekh Fuad.
Uganda ayaa dhawaan shaacisay in ay diyaar la tahay 10,000 oo askari oo ay Soomaaliya u dirayso haddii Maraykanka uu bixinayo tasiilaadka ku baxay diritaanka ciidankaas.
Sheekh Fuad ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in haddii Uganda ciidama dheeraad ah soo dirto, ayna kala bixi waydo kuwa haatan Muqdisho kaga sugan, dhibaatada arrintaas ka dhalata ay ka oohinsiin doono shacab badan oo ku dhaqan Kampala.
Alshabab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay qaraxyadii Kampala gil gilay habeenkii 11ka July ee sanadkan halkaas oo ay ku dhinteen 76 ruux.