Jowhar (Alshahid)-Maamulka Alshabab ee degmada Jowhar ayaa magac ka badal ku sameeyay Iskuulo halkaasi ku yaalay kadib markii ay shalay kullan la qaateen maamulayaasha dugsiyadaasi.
Kullanka shalay oo uu shir gudoominayay madaxa Dacwada Alshabab ee degmada Jowhar; Sheekh Usama Caddow ayaa waxaa looga wada hadlay sidii xafiiska Dacwada ee Alshabab uu dugsiyada degmadaasi uu uga heli lahaa waqti ay casharo ku siiyaan ardayda dugsiyadaasi.
Maamulayaasha ayaa ka ogolaaday Alshabab arrintaasi waxaana hada kadib iskuul waliba uu maalintii bixinayaa xiisado ay ardayda barayaan rag katirsan Alshabab.
Sidoo kale Sheekh Usama; madaxa Dacwada Alshabab ee degmada Jowhar ayaa sheegay in ay magac badal ku samaynayaan ilaa 3 dugsi oo kamid ah kuwa Jowhar.
Sedexda Iskuul ayaa kala ah; Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Kulmis oo loo bixiyay magaca Dugsiga Imaam Shaafici, Dugsiga Buula Barey oo loogu magac daray Mucaad bin Jabal iyo Dugsiga Sheekh Ooyaaye oo haatan loogu yeeri doono Dugsiga Cusman Bin Cafaan.
Alshababta Jowhar ayaa haatan ka hor waxaa sidaas oo kale ay u magac badaleen tuulooyin iyo deegaano hoos yimaado Jowhar.