AU oo Kormeerayaal u diraysa doorashooyinka Sudan.

Addis Ababa (Alshahid)- Ururka Midowga Africa ayaa maalintii khamiistii ku dhawaaqay in ay u diraayo dalka Sudan, kormeerayaal goob joog uga noqda doorashada wadankaasi ka dhacayso 11 bishan April.

Midowga Africa ayaa sheegay inuu wafdiga kormeerayaasha ah uu hogaamin doono madaxweynihii hore ee wadanka Ghana; John Kofour.

Sidoo kale waxaa doorashada Sudan kormeerayaal usoo diray ururka IGAD, Midowga Europe iyo Jaamacada Carabta.

Doorashooyinka la filayo in ay Sudan ka dhacaan ayaa durbo waxaa hareeyay khilaaf kadib markii ay xizbiyo badan qaadaceen iyagoo ku andacoonayo in xizbiga talada haya ee Madaxweyne Bashir uu ku shuban doono.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>