Muqdisho ( Alshahid) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed –Shariif Cali Hilowle ayaa Muqdisho ku jooga booqasho shaqo, waxaan kula kulmay hotelka Bakin (Ex Kuraasyo Cad), ee Km4, magaalada Muqdisho.
Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan la kulmo, haddii aaan isku dayo inaan sifeeeyo, waxaan oran lahaa, waa nin dherer iyo gaabni u dhexeeya, maariin xigeen ah, waa nin dhallinyaro ah oo ay firfircoonidu ka muuqato, waa nin aan hadal badnayn, marka uu hadlayana kaftanka ma illoobo, waa nin aaminsan kifaaxa nolosha, jecel inuu naftiisa, maalkiisa iyo muruqiisaba u huro inuu wax wanaagsan qabto, si guud Soomaali, si gaar ahna dadkiisa iyo deegaankiisa.
Axmed-Shariif markii uu arkay xaaladda adag ee nololeed ee ka jirta deegaannada Galmudug ayuu go’aan ku gaaray inuu deegaanka tago waxna ku biiriyo…
“Waxaan ku noolaa Hargaysa markii aan go’aansaday inaan tago magaalada Gaalkacyo, si aan ugu biiro dadka deegaanka Galmudug u dhashay ee go’aansaday inay wax u qabtaan dadkooda” ayuu yiri Axmed-Shariif oo iiga sheekaynayay sida uu ku bilaabay mas’uuliyadda uu ka hayo Galmudug.
Madaxweynuhu wuxuu ii sheegay in shaqooyinkii ugu horreyay ee uu deegaanka ka bilaabay ay isugu jireen dhinacyada horumarinta iyo samafalka.
“Horumarinta waxbarashada deegaanka ayaa culayska koowaad saaray, waxaan wax ka furay iskuulo, waxaan gacan ka gaystay fee ka bixinta ardayda aan iska dhiibi karin qarashka iskuulka, waxaana wax ka abuuray barnaamij wacyigelin ah oo bulshada deegaanka lagu barayay qiimaha waxbarashada” ayuu yiri Mudane Axmed-Shariif oo xusay in tallaabadii labaad ee uu qaaday ay ahayd inuu noqdo samafale.
“Waxaan qayb libaaxle ka qaatay biyo dhaamin iyo cunno qaybin loo sameeyay dadka deegaanka markii ay abaartu saamaysay” ayuu yiri Madaxweynuhu, oo sheegay in hantida howshaa gargaarka lagu fuliyay ay bixiyeen jaaliyadaha dibadda iyo ganacsatada deegaanka ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Howshii 3-aad ee aan deegaanka ka qabtay waxay ahayd nabadaynta beelaha walaalaha ee Sacad iyo Saleebaan
Maamulka Galmudug
Sannadkii 2006 ayay ahayd markii ay shirweyne isugu yimaadeen dadka dega deegaannada Koonfurta Mudug, kana kooban dhammaan beelaha dega dhulkaas.
“Shirweynahaas waxaa soo abaabulay qurbo joogta Galmudug, waxaana ka soo qaybgalay ergooyin gaarayay 800 oo qof, waxaana shirweynahaas lagu dhisay gole dhaqan iyo gole baarlamaan oo ka kooban 25 xubnood” ayuu yiri Mudane Axmed-Shariif oo tilmaan ka bixinayay qaabkii lagu unkay maamulka Galmudug.
14-kii August 2006 ayaa la doortay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug wuxuuna ahaa Maxamed Warsame Cali “Kiimiko”, waxaana la sameeyay dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamulka.
“Nasiib darro, markii maamulkii la unkay, waxaa deegaanka soo gaaray dagaalkii Maxkamadaha, waxayna Gaalkacyo noqotay meel ay isku urursadaan ciidamadii Dowladda, kuwii Puntland, kuwo ka socday Galmudug iyo ciidamo Itoobiyaan ah, dagaalkaasina wuxuu keenay inuu hakad galo maamulkii Galmudug” ayuu yiri Axmed-Shariif oo intaa ku daray in markii dagaalladaasi dhamaadeen uu deegaanku noqday meel cidla ah oo ay iska maamushaan maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan.
Mar kale ayaa waxgaradka deegaanku talo dib isugu noqdeen, waxaana la abaabulay shirweyne labaad oo novemb er 2007 ka dhacay Bandiiradley, wuxuuna socday 3 bilood, kaasoo waxgaradku dib ugu hanteen maamulka deegaanka, waxaana xal loo helay isbaarooyinkii 40ka gaarayay ee teedsanaa waddada isku xirta Gaalkacyo iyo ilaa Galinsoor, waxaana shirweynahaas lagu sameeyay guddiyo amni oo wax ka qabta amaan darida ka jirtay deegaannada Galmudug.
Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa dib u soo laabtay maamulkii Galmudug oo bilaabay inuu ambaqaado howlihii loo dhisay, anigu markaa ayaan goostay inaan maamulka ku biiro, waxaan markii ugu horreysay noqday guddomiyaha guddiga dhaqaalaha, markii la magacaabay wasiiradii dowladdii Kiimikana waxaan noqday Wasiirka Horumarinta Maamulka iyo la Xisaabtanka Xukuumadda.
May 2009, waxaan isu sharxay doorashada madaxtinimada Galmudug oo lagu waday inay dhacdo 16kii June 2009, waxaa sidoo kale isa soo sharaxay Maxamed Axmed Caalin oo isna horey u ahaa guddoomiyaha gobolka Hobyo, iyo Sh. Axmed Ilko Dahab oo isna ahaa guddoomiyaha Garsoorka Galmudug.
Markii la gaaray maalintii doorashada ayay labadii musharax qaadaceen inay ka qaybgalaan doorashada.
Maxay ahayd sababtu? Waxay maqleen in baarlamaanku intiisa badan doonayaan inay aniga i doortaan, markaas ayay qaateen go’aanka qaadacaadda.
1-dii Luulyo 2009 ayaa waxaa la ii doortay Madaxweynaha Galmudug, waxaana helay codadka 18 xildhibaan oo ka mida 25-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Galmudug.
Khilaafaadka Galmudug
Waxaa horey u jiray haddana weli taagaan khilaafaad u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, maxaa loo xalin la’ yahay, xageena khilaafku salka ku hayaa?
Mudane Axmed-Shariif oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yiri “Khilaafku wuxuu soo bilowday markii la taagay maamulka Galmudug, waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay Madaxweynihii hore Kiimiko iyo golihiisii baarlamaanka, doorashayda kaddina waxaa abuurmay khilaaf inoo dhexeeya aniga iyo Ahlusuna Wal jamaaca, khilaafkaas oo sababay inay abuuraan madaxweyne kale oo aan sharci ahayn, kaas oo ah Maxamed Axmed Caalin”.
Yaa doortay Madaxweynaha labaad? “Lama dooran ee waa la magacaabay” ayuu yiri Mudane Axmed-Shariif, oo xusay inay magacaabeen 7-dii xildhibaan ee aan codka siin ee ka mid ahaa golaha baarlamaanka iyo Ahlu suna
Maxaad isugu tanaasuli la’ dihiin? Sow ma haboonaan lahayn in hal Madaxweyne ay yeelato Galmuug? Waa sax, waxaanse rabaa inaan kuu sheego in labadeena garab aan ka wada shaqayno dhinacyada amniga iyo howlaha bani’aadamnimo, waxaa jira guddiyo isku dhaf ah oo howlahaa qabta, sida guddiga gurmadka abaaraha oo ka kooban xubno ka kala socda labada maamul, balse dhinaca siyaasadda hadda ayaan u joognaa Muqdisho sidii khilaafkaa loo dhamayn lahaa, waxaana sugaynaa Mudane Maxamed Axmed Caalin oo dhowaan la filayo inuu Muqdisho soo gaaro, fadhigaas ayaan rajaynaynaa inuu is afgarad ka soo baxo.
Xarunta Madaxweynaha
Mudane Madaxweyne, maadaama aad tahay Madaxweynaha Galmudug, ma noo tilmaami karta xaruntaada madaxtooyada?
Run ahaantii xukuumaddii hore ee Kiimiko waxqabad la tilmaami karo oo ay qabatay ma jirin, lama dhisin xarun madaxtooyo iyo xitaa xarun baarlamaan, madaxdii hore waxay ku jireen guryo kiro ah, anaguna weli sidaas oo kale ayaanu nahay, waxaan hadda degganahay guri kiro ah oo aan aniga kiradiisa aan iska bixiyo, sidoo kale golayaasha dowladda oo dhan waxay deggan yihiin guryo wada kiro ah.
Waxqadka
Waxaan dhisay gole wasiiro oo ka kooban 9 wasiir, waxaan gurmad dhinaca samafalka ah u samaynay bulshada deegaanka oo ay waxyeeloo ka mutay abaarihii dhowaa ee ku dhiftay deegaanka.
Intaa wax dhaafsiisan ma qaban, sababtuna waxay ahayd waxaa sii kordhay khilaafka labad garab, marka si aan uga dhowrsanno in khilaafku uu intaa ka sii xoogaysto, waxaan joojinay dhaqdhaqaaq kasta oo aan qaban lahayn.
3dii bilood ee maamulkaygu dhisnaa waxaan isku howlnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafka ka jira maamulka Galmudug, si maamulku uu shaqeeyo, deegaankana loo hormariyo…
Ma mooddaa in Ahlusuna ay si wanaagsan u shaqeeyeen, oo ay nabadda deegaanka wax wayn ka qabateen?
Sida warbaahintu u buunbuuniso runtu maaha, wax la tilmaami karo oo ay raggaasi qabteen ma jirto.. cidda mar kasta ka shaqaysa nabadda deegaanka waa la yaqaanaa, waxayna kala yihiin ciidamo boolis ah oo ay leedahay dowladda KMG iyo kuwo ay leeyihiin maamulka Galmudug, anaguna aan gacan siino.
Ximan iyo Xeeb
Siduu yahay xiriirka idinka dhaxeeya maamulka Ximan iyo Xeeb?
Xiriirka naga dhexeeya waa mid aad u heer sareeya, si gaar ahna waan u wada xiriirnaa maamulayaasha Ximan iyo Xeeb oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha maamulka Mudane Maxamed Aadan “Tiiceey”.
Maamulkeena Galmudug waxa uu awooddiisa isugu geeyay sidii shacabka walaalaha ee Galmudug iyo Ximan Xeeb ay ku wada noolaan lahaayeen nabad, loogana wada shaqayn lahaa sidii deegaannada labada maamul loo gaarsiin lahaa horumar.
June 16-keeda 2008 ayay ahayd markii aan booqasho ku tagnay tuulada Qaydaro halkaas oo aan dhignay gogol lagu heshiisiinayay beelahaa walaalaha ah, sidoo kale bishii August ayaan gogol taa la mida ka fidinnay magaalada Galinsoor, bishii Oktoobar ee isla sanadkaa ayaan kulan dib u heshiisiin ah isugu keennay labadaa beelood magaalada Hobyo.
Kulamadaas waxaa ka soo baxay in la heshiiyo, khaladaadkii dhacayna la saxo, waxaana lagu sameeyay ciidan isku dhaf ah oo kormeera deegaannada ay wada degan yihiin labada beel, amniga iyo nabaddana suga, waxay ciidankaasi ka howlgeli jireen inta u dhexaysa Hobyo ilaa Dacdheer, barnaamijkaasina wuxuu socday ilaa 8 bilood, waxaana ku baxday mashruucaas nabadaynta ah lacag gaaraysa 122, 000 oo Dollar. Hadda barnaamijkaa waa naga istaagay dhaqaalo la’aan aawadii, waxaanse doonayaa inaan caddeeyo in 8-daa bilood ee uu barnaamijkaa socday lagu diirsaday, isku dhinacna laga noqday dadkii fidno wadayaalka ahaa ee mar kasta abuuri jiray dagaallada macno darrada ahaa.
Waxaan la socdaa in todobaadyadii la soo dhaafay ay deegaannada qaar ee ay labada beelood wada deggan yihiin laga soo sheegay amni darro, loona baahan yahay in si degdeg ah la isaga kaashado sidii loo xakamayn lahaa inta aysan sii fidin.
Axmed-Shariif Cali Hilowle wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1960-kii, wuxuu waxbarashadiisa quraanka ilaa dugsiga sare ku soo bartay isla magalaada Gaalkacyo.
Muqdisho ayuu soo galay 1980 kana bilaabay howlo ganacsi, isagoo ku dhinac waday waxbarashadiisa. Wuxuu kobciyay barashadiisa culuunta diinta islaamka, wuxuu luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska ka bartay University of Technology and Science ee dalka Yemen. Machad ku yaala dalka Kenya magaalada Nairobi ayuu ku soo qaatay course luqadda Ingiriiska ah muddo hal sano ah. Wuxuu Accountant Management ka bartay machadka National Institute ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu xubin muhiim ah ka ahaa Maxkamadihii Islaamka ee lixda bilood Koonfurta Soomaaliya maamulayay, wuuxna ka mid ahaa golaha Shuurada. Wuxuu noqday Guddoomiyaha Golaha nabadaynta iyo Horumarinta Galmudug. Abril 2009 wuxuu wasiir ka noqday dowlad goboleedka Galmudug. 1-da July 2009 wuxuu noqday Madaxweynaha Galmudug.
Waxaa wareystay:
Cabdullaahi Black
Dear shahid
dhamaan maamulka wa salmaay
waxaan uma leynayaa in aadan hay san
Axmed Shariifoow, waxaad samafale ee wanaagga ayaa soo hari doona ee maanta adigu iska tanaasul, ha isku dayin aad ku hal adaygto madaxweyne nimada Galmudug, maalin ayaa laguu soo wada baahanayaa, oo aad degaanka horumar ku hoggaamin doontaa Insha Allaah.
salaan kadib,waxaan u sheegaynaa alshahid in marwalba dhaxdhaxaad noqdaan oo aysan u ka la eexan dadka soomaliyeed ,ninka aad soo sheegteen ma ahan madaxweyne ee waa nin meesha loo dirsaday si uu qalalaase uga abuuro,runtii horumarka uu sheegayona maha wax jira .xaqiiqdii madaxweynaha waa caalin