Qahira (Alshahid) – Warar ka imaanaya magaalada Qaahira ayaa sheegaya in 8-dii burcad badeedda Soomaalida ee dhowaan xoogga ku kaxaysteen kalluumaysatadii Masaarida ayaa maanta la hor geeyay hay’adaha baarista ee dalka masar.
Warka ayaa intaa ku daray in baaritaankan uu yahay mid u gaar ah Masaarida, ayna jirin dhinacyo caalami ah oo daneeya arrimaha burcadda oo baaritaankaa kala qayb qaadanaya.
Hay’adaha amniga Masaarida ayaa danaynaya inay helaan macluumaad ku saabsan qaabka ay burcaddu u afduubtaan maraakiibta iyo haddii ay jiraan wadiiqooyin aamin ah oo ay mari karaan maraakiibta marka ay soo gaaraan goobaha ay burcaddu ka qowlaysato.
Hay’adaha Amniga waxay sheegeen inay rajaynayaa inay baaritaankaan ay ka helaan macluumaad muhiim ah, ilaa iyo haddana ay burcaddu si wanaagsan uga jawaabayaan su’aalaha la weydiiyay.