Istanbul (Alshahid)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay: Ban Ki-Moon ayaa ka hadlay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaasi oo Sabtidii ka furmay xarunta Turkiga ee Istabul.
Mr. Ban Ki-Moon ayaa si qota dheer uga hadlay xaalada Soomaliya isaga oo sheegay in dhibaatada ku habsatay dalkaasi aanan waxbadan laga qabanin loona baahanyahay in wax laga badalo habka ay beesha caalamku u wajahdo xaalada Soomaaliya.
“Waxaa loo baahanyahay inaan laba laabno dadaalka aanu oogu jirto nabadaynta Soomaaliya hadii ay taasi dhici weydana waxaa meesha ka baxaysa nabada laga filayo Soomaaliya.”
Shirkan oo ay soo wada qaban qaabiyeen Turkiga iyo Qaramada Midobay ayaa waxa looga wadahadlayaa sidii wax looga qaban lahaa mashaakilka Soomaaliya oo ay kamid tahay Burcad badeednimada.
Ilo ku dhow dhow qaban qaabiyaasha shirka ayaa tilmaamaya in la filayo isku af garshada horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya iyo in maal gashi caalami ah lagu sameeyo dalka si loo abuuru shaqooyin ay helaan dadka dagaalka ku howlan.
Dowladda KMG ayaa waxaa shirka uga qayb galaya wafdi uu hor kacayo Madaxweyne Sheekh Sharif kaasi oo todobaadkan ku mashquulsanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray dowladda KMG.