عربي - English - Soomaali
Wasiir ugu baaqay Ra’iisal wasaare Cumar in uu iscasilo. | Ra’iisal wasaare Cumar oo Nairobi kullan kula qaatay xildhibaano. | Khaadiga Guud ee Kenya: Ciida waxaan tukanaynaa maalinta Sabtida ah. | Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah. | Alshabab oo shacabka Muqdisho u cayimay goobo ay ku tukadaan salaada Ciida. | Xaalada Muqdisho oo saaka dagay kadib dagaalo socday tan iyo xalay suxuurtii. | Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo Libya kala hadlay siideynta maxaabiista Soomaaliyeed. | Alshabab oo weeraro hor leh uga digtay Uganda. | UNHCR: 230 qof ayaa lagu dilay dagaladii ugu dambeeyay Muqdisho. |

Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo.

30 July, 2010

Bujumbura (Alshahid)-Booliska caasimada dalka Burundi ee Bujumbura ayaa gacanta ku dhigay Vladimir Splajt, oo ah 53 jir sharci yaqaan ah una dhashay dalka Croatia kadib marki ay uga shakiyeen in uu qaraxyo halkaasi ka gaysan rabay.

Mr. Splajt oo Bujumbura u joogay dalxiis ahaan ayaa la sheegay in laga shakiyay kadib markii uu sawiraan ka qaatay dhismo Kaniisad oo lagu magacaabo; Regina Mundi cathedral kuna taala bartamaha Bujumbura.

Vladimir Splajt ayaa saxaafada u sheegay in uu ka helay quruxda dhismaha kaniisada uuna sidaa darteed u sawirtay.

“Waxay (Booliska) iila dhaqmeen si xool xun, iyaga oo xabsi gaar ah igu hayay saacado badan iina diiday wax cunno iyo cabitaan ah toona.” Ayuu yiri Vladimir Splajt oo uu daal badan ka muuqday.

Booliska ayaa sheegay in ay ka shakiyeen ninkani ayna haatan wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo in uu xiriir la leeyahay kooxda Alshabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Alshabab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadii 11kii bishan ka dhacay Kampala halkaasi oo ay ku naf waayeen 74 ruux oo daawanayay ciyaartii finalka ee koobka aduunka.

Tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadii Kampala waxaa aad loo adkeeyay amaanka caasimada Burundi ee Bujumbura maadaama ay Alshabab wacad ku mareen in ay qaraxyo la beegsan doonaan.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /