Boosaaso (Alshahid) – Magaalada Boosaaso ayaa meel lagu caweeyo, laguna daawado aflaamta weerar bambaano lagu qaaday xalay, kaasoo ay ku dhaawacmeen 25 qof.
Goobta weerarka lagu qaaday ayaa ahayd meel ay inta badan xilliyada habeenkii ah isugu yimaadaan dad u badan qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.
Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa la sheegay inay qaarkood ay waxyeellooyin ka gaareen madaxa iyo qeybaha kale ee jirka, iyadoo lagu daweynayo isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.
Wararka laga helayo ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay ay isugu jiraan kuwo uu fudud yahay dhaawacooda iyo kuwa khatar ah.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid loo qabtay weerarkaasi bambaano, saraakiisha ammaankana waxay sheegeen inay wadaan baaritaanno ku saabsan sidii ay ku ogaan lahaayeen qofkii weerarka fuliyay ama dadkii ku lugta lahaa.