عربي - English - Soomaali
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada. | Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed. | Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo. | Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay. | Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay. | Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya. | Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan. | Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay. | Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland. |

Britain oo dhaqaalo u balan qaaday dowladda KMG Soomaaliya.

9 March, 2010

London (Alshahid) – Dowladda Britain ayaa waxa ay ugu deeqday dowladda KMG Soomaaliya ee uu hogaamiyo Sheekh Sharif lacag dhan US $8.2 Million kadib markii ay kulan wada yeesheen Madaxweyne Sharif  iyo Raysal wasaare Gordon Brown.

Lacagta ayaa waxaa lasiinayaa dowladda KMG si ay wax uga qabato amaandarida kajirta Soomaaliya iyo si ay  uladagaalanto kooxaha mucaaradka ku ah oo ay reer galbeedu uyaqaanaan argagixisada.

Waxaa sidoo kale ay Britain u balan qaaday Soomaaliya lacag  dheeraad ah oo dhan US $ 11.2 Million taasoo wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan. Lacagtani ayaa lamarin doonaa hay’ado kale maadaama aysan hay’ada cunnada aduunka kahowl gali Karin Soomaaliya.

Madaxweyne Sharif ayaa dhanaciisa raja wanaagsan kamuujiyay mustaqbalka Soomaaliya isagoo yiri “ Qorshaheenu waa in lahelo sharci iyo kala dambeyn si qof  kasta oo Soomaali ah uu uga qayb qaato doorashooyin xalaal ah. Dadka badankood waxa ay u haystaan in ay taasi adagtahay balse anigu waxaan u arkaa mid fudud.”

Madaxweyne Sharif ayaa waxaa lafilayaa inuu hadal ujoodiyo bulshada Soomaalida ah ee Britain ku dhaqan uuna kala hadlo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen soo celinta nabada Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /