Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah.

Nairobi (Alshahid)-Koox looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad badeed Soomaali ah ayaa maalintii shalay ahayd afduubtay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah oo saarnaa xilli uu maryay GacankaCadmeed, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada badda ee Midowga Europe John Habour,

Markabka oo lagu magacaabay MV OLIB G, Sitayna calanka Malta ayaa waxaa la sheegay in uu ka baxay khadka isgaarsiinta daqiiqado yar kadib markii uu qaylo dhaan u diray ciidamada NATO ee ilaalada ka haya biyaha Soomaaliya.

Markab dagaal ee ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka, USS Princeton, ayaa diyaarad nooca Helicoptreka ah u dirtay markabka waxaana ay xaqiijiyeen in ay markabka gudahiisa ku arkeen 2 Burcad badeed ah.

Shaqaalaha markabka ayaa u kala ah 15 muwaadhin 3 Turki.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>