Nairobi (Alshahid)-Kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya ayaa sii daayay markab xamuul ah oo Turkiga laga lahaa ayna saarneyn 20 shaqoolo ah.
Markabkaani ay sii daayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa la qabsaday 23-kii bishii March ee sanadkaan xili uu ka soo anbabaxay Wadanka Israel islamarkaana uu ku sii jeeday wadanka Taiwan.
Qof kamid ah milkiilayaasha markabka oo warbaahinta caalamka la hadlay ayaa sheegay in ay bixiyeen lacag madax furasho ah balse ka gaabsaday in uu sheego qiyaasta dhabta ah.
Siideynta markabkaani ayaa waxaa xaqiijiyay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Gacanka Cadameed, kuwaasi oo intaasi ku daray in markabku uu haatan sii wato safarkii ka baaqday markii ay gacanta ku dhigayeen Burcad badeeda.