Muqdisho (Ashahid) – Afhayeen u hadlay Burcad badeedda heysata lammaanaha Ingiriiska ee Paul iyoRachel Chandler ayaa sheegay in ay u kala qaybsameen laba qaybood oo qaybi ay codsatay madax-furasho, halka qolada kale ay soo jeediyeen inay ku beddeshaan koox saaxiibadood ah oo ay horay u qabsadeen ciidamadda badda ee Jarmalka.Burcadda ayaa horay u sheegtay inay sii deynta lammaanahani ku doonayaan lacag madax furasho ah oo gaareysa ilaa 7 milyan oo doollar, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ay ogol yihiin inay lacagtaasi hoos u dhigaan.
“Waxaa jirta in toddobo ka mid ah saaxiibadeen ay qabsadeen ciidamada shisheeye ee ku sugan baddeenna, qaar annaga naga mid ah ayaa doorbidaya in raggaasi aan ku beddelano lammaanahan, halka qaarkeen ay madax furasho doonayaan” ayuu yiri Cabdi Yare oo u hadlayay Burcad badeedda.
Lammaanahan oo sitay doon lagu magacaabo Lynn Rival ayaa la afduubtay jimcihii aan soo dhaafnay mar ay ka yimaadeen jasiiradda Seychelles, una socotay dalka Tanzania.