Burcad badeedda oo markab qabsaday

GreekNairobi (Alshahid) – Koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa qabsaday markab nooca xamuulka qaada ah, oo laga leeyahay dalka Giriiga, kaasoo ay la socdeen shaqaale u kala dhashay dalal kala duwan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Giriiga.

Markabkan oo lagu magacaabo Maran Centaurs ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa Gacanka Mexico, isagoo ka yimid dalka Kuwait, wuxuuna ahaa nooca shidaalka qaada.

Markabkan Giriiga ah ayaa waxaa leh shirkad lagu magacaabo Kristen Navigation, waxaana saaran 28 badmaax, oo 16 ka mid ah ay ahaayeen Philippine, 9na Greece, halka labo ay u dhalatay Ukraine, mid kalena Romania, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee dalka Greek.

Kaaliyaha kabtanka ayaa sheegay in 9 nin oo hubeysan ay haatan saaran yihiin markabka dushiisa, waxayna markabka u jiheeyeen dhinaca xeebaha Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay inaanay jirin waxyeello soo gaartay markabka iyo shaqaalaha la socdaba.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>