Burcad badeedda oo u digay Shiinaha

Burcad...Muqdisho (Alshahid) – Koox Burcad badeed Soomaali ah oo afduub u haysta shaqaale u dhashay dalka Shiinaha iyo markab dalkaas laga leeyahay, ayaa maanta digniin u jeediyay dowladda Shiinaha, haddii maraakiibteeda dagaalka ay isku dayaan inay badbaadiyaan lahaystayaasha inay gebi ahaantood dili doonaan.

Mid ka mid ah Burcad badeedda haysata 25 qof oo saaran markab lagu magacaabo Xin Hai, oo Shiinaha laga leeyahay, oo ay qabsadeen bishii Oktoober, ayaa sheegay mar uu u warramay wakaaladda wararka ee Reuters, inay ka war heleen in Shiinuhu uu maraakiib dagaal u soo dirayo si ay u badbaadiyaan lahaystayaashooda.

“Waan ognahay, waxay isku dubbaridayaan maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan biyaha Soomaaliya si ay noo soo weeraraan” ayuu yiri Nuur oo Burcad badeedda ka mid ah mar uu wakaaladda u akhrinayay bayaan ay soo saareen.

Wuxuu sheegay inay jireen wadahadallo u dhexeeyay iyaga iyo Shiinaha oo ku saabsanaa sidii loo sii dayn lahaa markabka iyo shaqaalaha saaran, hase yeeshee aanay iska indho-tiri karin khayaanada loo maleegayo sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaa ku daray “Waxaan si cad ugu shegeynaa inaanay halis gelinin nolosha muwaadiniintooda ku jira gacanteenna, waan dili doonnaa haddii aan weerar la kulanno”.

Horraantii bishan ayaa mid ka mid ah Burcad badeedda wuxuu sheegay in iyaga iyo dadka iska leh markabka ay ka wada hadleen madax-furasho gaaraysa 3.5 milyan oo doollar.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>