عربي - English - Soomaali
Wasiir ugu baaqay Ra’iisal wasaare Cumar in uu iscasilo. | Ra’iisal wasaare Cumar oo Nairobi kullan kula qaatay xildhibaano. | Khaadiga Guud ee Kenya: Ciida waxaan tukanaynaa maalinta Sabtida ah. | Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah. | Alshabab oo shacabka Muqdisho u cayimay goobo ay ku tukadaan salaada Ciida. | Xaalada Muqdisho oo saaka dagay kadib dagaalo socday tan iyo xalay suxuurtii. | Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo Libya kala hadlay siideynta maxaabiista Soomaaliyeed. | Alshabab oo weeraro hor leh uga digtay Uganda. | UNHCR: 230 qof ayaa lagu dilay dagaladii ugu dambeeyay Muqdisho. |

Caabi Khaliif Cali oo la xanuusanaya Buro kaga taal isha agteeda, una u baahan yahay qalliin degdeg ah

10 March, 2010

Caabi Khaliif Cali oo ah 35-jir ayaa 10-sano ka hor waxa uu isku arkay Buro taas oo mar marka ka dambeysa ku soo weynaaneysay, iyadoo xiligaasi uu waayey cid gacan ku siisa ka hortaga Buradaasi.

Burada oo haatan si weyn ugu faaftay agagaarka Isha iyo Daanka ayaa waxaa u sii dheer in Buradaasi ay biyo soo galaan mararka qaar ,waxayna u baahan tahay in mar kasta biyahaasi laga saaro.

Caabi oo haatan ku sugan Muqdisho ka dib markii uu ka yimid Goboladda Dhexe wuxuuna ii sheegey in dhowr Dhaqtar ay u sheegeen in Buradaan ay u baahan tahay qaliin dibada ah maadaama aanan haysan qalabii lagu qali lahaa
Dhibane Caabi ayaa Buradaas Dikaan iyo Jiif-xumo ku haysaa , mararka qaarkoodna Caabi wuxuu sheegey in ay sii deysaa nooc dheecan oo kale ah. Waxaa kale oo uu sheegay Caabi in ishiisa mararka qaarkood uusan wax ka arki Karin marka ay Buradu biyo gashato oo ay daboosho, sidoo kale Sanka ayaa xirmi raba maadaama uu sii kordhayo Culeyska
Xaaladda dhabta ah ee Caabi waxaad si muuqata uga arki kartaa sawiro aynu ka soo qaadnay Wuxuuna dadka soomaaliyeed ee ku nool Dibada iyo Gudaha ka codsanayaa in gacan lagu siiyo Qaliinka buraadaas maadaama uu ka soo jeedo qoys Sabool ah oo aan awoodi kharashka ku baxaya qaliinka Buradaas waxayna Dhaqaatiirtu ku tilmaameen mid caadi oo Qaliinkeedu sahlan yahay haddii loo helo qalabkii lagu qali lahaa

Haddaba ciddii dooneysa in gacan ka geysato u gargaarida Dhibane Caabi waxay kala soo xiriiri kartaa ciwaanaadka hoos ku qoran

Telka Caabi Khaliif Cali
00252615748545 ama
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 00252615532494

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /