Toronto (Alshahid) Dowladda Canada ayaa Axadii kudhawaaqday in ay soo saarayso sharci ay dalkeeda kaga mamnuucayso kooxda Alshabab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.
Wasiirka amniga qaranka ee Canada, Mr. Vic Toews ayaa sheegay in ay dowladda Canada ka heshay qaar kamid ah Soomaalida kunool wadankaasi macluumaad ah in ay Alshabab tashkiilinays dhalinyarada Soomaaliyeed ee Canada kunool sidoo kalana dhaqaalo looga aruuriyo gudaha Canada.
Wasiirka ayaa yiri “ Dowladda Canada waxaa ka go’an in ay hor istaagto kooxaha Argagixisada ah in ay howshooda kufushadaan dhaqaale laga helay wadankani gudihiisa.”
Sharcigan cusub ayaa hadii uu hirgalo waxaa uu dambi kadhigayaa in uu shaqsi jooga Canada uu xubin kanoqdo Alshabab, in tabarucaad looga sameeyo Alshabab Canada gudeheeda iyo in ay dowladda Canada xayiri karto hantida ay leeyihiin dadka looga shakiyo inay katirsanyihiin Alshabab.
Canada ayaa noqonaysa dowladdii labaad ee reer galbeed ah oo wadankeeda ka manuucdo ururka Alshaba waxaana ka horeeyay dowladda Ingriiska oo iyaduna talaabo midan lamid ah kudhaqaaqday todobaadkii lasoo dhaafay.







