Ciidamada Bada ee Faransiiska oo quusiyay Markab ay Burcad badeedu wateen.

Nairobi (Alshahid)-Markab dagaal oo ay  leedahay Faransiiska ayaa maalintii Khamiista ahayd qusiyay markab weyn oo ay isticmaalayeen Burcad badeeda Soomaaliya kaasi oo marayay meel 500 mayl u jirta xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee Faransiiska.

Markabka dagaal ee Faransiiska oo lagu magacaabo FS Nivoz ayaa weeraray markabka ay isticmaalayeen Burcad badeeda iyagoona gudihiisa ka helay 2 doomood oo ah nooca dheereeya, jaraanjarooyin iyo hub.

Wasaarada difaaca ee Faransiiska ayaa intaasi ku dartay in ay ciidamada bada ee Farasiisku quusiyeen markabka iyo labadii doomood kadib markii ay ka dajiiyeen 11 Soomaali ah oo looga shakisan yahay in ay Burcad badeed yihiin.

Dhinaca kale wadanka Malta ayaa sameysay dadaalkii ugu horeeyay oo ay uga qayb qaadanayso la dagaalanka Burcad badeeda kadib markii markab dagaal oo Malta leedahay uu galbiyay markab shixnad cunno gar gaar ah oo ay WFP leedahay  u waday dekada Boosaaso kana baxay dekada Berbara.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>