faJabuuti (Alshahid) – Dalka Jabuuti ayaa shalay waxaa ka billowday dhoollatus millateri oo socon doonaa muddo shan cisho ah, kaasoo ay sameynayaan kumannaan ciidamo ah oo ka kala socda dalalka Bariga Afrika.
Dhoollatuskani oo ay martigelisay dowladda Jabuuti ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay wadajir u sameeyaan ciidamada millateriga iyo booliska dalalka gobolka.
Dalalka ay ciidamadooda ka qeybgalayaan dhoollatuskan ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Kenya, Jasiiradda Seychelles, jasiiradda Morris, Burundi iyo Albania.
Xaflad wayn oo uu guddoominayay Ra’isul wasaaraha Jabuuti ayaa shalay ka dhacday magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaasi, halkaasoo uu ka billowday dhoollatuskani oo socon doona muddo 5 maalmood ah.
Ciidamadani ayaa dhawaan waxaa sameystay dalalka Bariga Afrika, iyagoo ku sheegay ujeedka ay u dhiseen inuu yahay sidii iskaashi millateri ay u yeelan lahaayeen dalalka gobolka, waxaana ciidamadani loo diyaarinayaa inay ka jawaabaan haddii ay timaado baahi nabadgalyo xumo.
Qorshayaasha ciidankani ayaa waxaa ka mid ah in la baro luqad keliya oo ay isku afgartaan si ay u fududaato inay yeeshaan xirfad mideysan oo millateri, wadajirna ay uga qeybgaataan xasilinta ammaanka Bariga Afrika.