Beledweyne (Alshahid)—Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidan ka amar qaata DKMG ah oo uu hoggaaminayo Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ay saakay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaas.
Magaalada Beledweyn ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay gacanta ugu jirtay ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolkaas, Sh. C/raxman Ibrahim Mocow, oo isagu ku biiray kooxda Xizbul-Islam.
Warar qaarkood ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay taageero siinayaan ciidamada dowlada ee Beledweyn qabsaday, ciidamadaasi Ethiopia ayaa ku sugan duuleedka magaaladaasi.
Dhinaca kalena warar hadda soo baxay ayaa sheegaya in dagaal dib uga bilawday magaalada kaddib markii ay weerrar rogaal celis ah soo qaadeen Xisbil Islam oo sheegay in ay doonayaan in la wareegaan goobihii saaka laga qabsaday.
Lama oga ilaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay dagaalka. Magaalada Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ay dagaalladu inta badan ka dhacaan.
s/c waxaan doonayaa inaan dalkeyga kaxureeya shariif sheekh axmed oo khaain ah dadka ayuu diinta uga soo gabadey waa basaas mareykanka ushaqeeya weeye waaa la ogyahay waa tuug goodbye