Muqdisho (Alshahid)-Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde kasoo dagay ilaa 200 oo askari kuwaasi oo uu tababar ciidan ugu soo idlaaday dalka Sudan.
Ciidamada oo dhamaantood rag ahaa ayaa waxa ay mudo bilooyin ah ku tababaranayeen dalka Sudan oo kamid ah dowladdaha taageera dowladda KMG waxaana uu shageeya sarkaal u hadlay ciidamada maanta la keenay Muqdisho in tiro badan oo ciidamo Soomaali ah lagu tababarayo Sudan dhawaana lagu soo celinayo dalka Soomaaliya.
Ciidamadan maanta Muqdisho soo gaaray ayaa waxa ay noqonayaan kuwii labaad ee dalka dibadiisa laga keeno mudo bil gudeheed ah.
Dowladda KMG ayaa waxaa horaan ay tababar ciidamadeed uga heshaya dalalka; Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Uganda waxaana inta badan ciidamadii lasoo tababaray ay noqdeen kuwo u goosta dhinaca mucaaradka sida uu horaan u xaqiijiyay wasiiru dowlihii wasaarada gaashaandhiga ee dowladda KMG; Yussuf Maxamed Siyaad (Indhacadde).