Dacwaddii Gen. Max’ed Cali Samatar oo dib loo eegayo
Washington - Maxkamadda Sare Maraykanka ayaa maalintii shalay waxay sheegtay inay soo saarayso go’aan ay ku eegi doonto haddi la siina karo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya General Max’ed Cali Samatar xisaanad ka hor istaagaysa in lagu qaado dacwad loo heysto, taas oo ah in ciidamo isaga ka amar qaata ay geysteen xadgudbyo ka dhan ah bini’aadanimada.
Garsoorayaasha Maxkamadda sare ayaa ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo go’aan ay gaartay maxkamadda racfaanka ee wadanka Maraykanka oo ogolaatay in la sii wado dacwadda ka dhanka ah General Max’ed Cali Samatar oo isagu ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee dowladdii Max’ed Siyaad Barre sanaddadi sideedtameeyadii, isla markaana noqday sanadihii 1987-dii ilaa 1990-kii Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Dadka dacweynaya Max’ed Cali Samatar ayaa codsanaya in laga siiyo magdhow lacageed, iyagoo sheeganaya in ay soo gaareen tacadiyo iyo xadgudyo ugaga yimid ciidamdii dalka Soomaaliya xilligii uu Samatar uu ahaa wasiirka Gashaandhigga.
“Isaga shaqsiyan kuma eedaynayno inuu tacaddiyadaa geystay, balse sirdoonkii dowladdii Bare iyo booliska ayaa geystay tacaddiyadaa, kuwaas oo dhamaantood isaga ka amar qaadanayay” ayay yiraahdeen dadkaas
Ciidamadii militariga iyo kuwii booliiska ee dowladdii Max’ed Siyaad Barre ayaa lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo isugu jira dil, kufsi, jirdil, iyadoo la tilmaamay in xilligaas ay ka amar qaadanayeen Maxamed Cali Samatar.
Maxkamadda Federaalka ayaa ogolaatay in General Samatar dacwaddiisa la joojiyo sabab ay ku sheegeen in uu yahay sarkaal ka tirsan dowlad shisheeye ah islamarkaana magangelyo siyaasadeed u jooga waddanka Maraykanka, hase yeeshe maxkamada racfaanka ayaa arintaasi diidday oo ogolaatay in la sii wado dacwadda loo haysto Max’ed Cali Samatar.
Maxakamadda sare ayaa la filayaa inay eedaymaha Jananka dhageysato horraanta sanadka cusub 2010, iyadoo lagu wado in bisha June ay soo saarto go’aanka dacwadaas.
Reuters
Adigoo ah gaala raac la safan oo uu ku shaqayso Weld Cabdallah iyo inta la midka ahi, waxa ayaan darro ah inaad tidhaahdo ISAAQ ayaa doonaya lacag. ha ku ciyaarin caqligayaga ee please xishood oo ka xishood dadka oo ha ceebayn doqonyahoow dadka.
Inkaar Alle kugu rid oo calaamo kaa soo saar
Pingback: A state in limbo « Blog Archive « Pete Chonka
salama caleykum ciddii dhib loo geystay xaq bey u leedahay inay dacweyso qofkii ay u garaneyso inuu dhibka geystay ,laakiin inta aan dhib loo geysan iyo kuwa aan gaysan ,yaanay isku dambaabin, oo ilaahay ka baqa, ilaahay qawlkiisa swt wuxuu ku yiri {nafna ma xambaareyso nafkale dambigeeda] waad mahadsantihiin , waan salamaayaa,akhyaarta al shihiid,wasalaama caleykum