Dad Soomaali ah oo laga soo talxiiray Saudi Arabia oo saaka Muqdisho laga soo dajiyay.

Muqdisho (Alshahid)- Subaxnimadii saaka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho laga soo dajiyay ilaa 120 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laga soo talxiiray boqortooyada Sacuudiga.

Dadkani oo u badnaa dhalinyaro kasoo jeeda gobolada kala duwan ee Soomaalia  ayaa sheegay in laga soo qabtay magaalooyinka waaweyn ee Sacuudiga kadib markii ay howl galo lagu ugaarsanayo dadka sharci darada Sacuudiga kujooga ay booliska wadankaasi bilaabeen.

Mid kamid ah dadka la soo talxiiray ayaa wariyayaal garoonka kusugnaa xiligaasi u sheegay in uu Sacuudiga tahriib kutagay lana sooqabtay isagoo jooga 5 beri oo kaliya.

Ciidamada booliska ee boqortooyada Sacuudiga ayaa dhawaanahan kordhiyay qab qabashada dadka sharci darada ku gala dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in ay Sacuudiga ka gaystaan falal amaan daro.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>