Dagaal goor dhow ka qaraxay Muqdisho.

dagaalMuqdisho (Ashahid) – Kooxaha mucaaradka ayaa saakay arroortii hore weerar ku qaaday qaybo ka mida waddada Makka Al Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan oo ay barbar socdeen duqayn xoog leh ayuu wuxuu saameeyay deegaannada ku dhowdhow halka uu dagaalku ka socdo, lamana soo sheegin ilaa iyo hadda in madaafiicdu ay gaareen goobo ka baxasan halka dagaalku ka socdo iyo in kale.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan weli soo if bixin maadaama uu dagaalku weli socdo.

Dagaalkan ayaa dhaliyay inay hakad galaan isu socdokii gaadiidka iyo dadka eee waddada Maka Almukarama oo ah goob ay si weyn u isticmaalaan ciidammada iyo mas’uuliyiinta Dowladda

Wixii ka soo kordha dagalaadan waan idinla soo socodsiin doonaa haddii Eebbe idmo.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>