Dagaal xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Afgoye (Alshahid)-Waxaa xalay uu iska hor imaad ku dhax maray deegaanka Ceelasha Biyaha ciidamo katirsan Xisbul Islam iyo nin la sheegay inuu ku hubaysnaa bastoolad waxaana halkaasi ku dhintay hal ruux.

Iska hor imaadka ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada Xisbul Islam oo rondo ku jiray ay arkeen ninka oo socday waqti dambe markii ay isku dayeen in ay joojiyaana waxa uu bilaabay rasaas uu ku furay ciidamadii.

Lama xaqiijin qofka dhintay heebtiisa balse wararka ayaa sheegaya inuu ahaa mid kamid ah ciidamada Xisbul Islam ee rasaarta lagu furay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkii falka gaysatay uu goobta ka baxsaday.
Ceelasha Biyaha ayaa amaankoodu uusan wanaagsaneen dhawaanahan waxa ayna taasi keentay in maamulka Xisbul Islam ee deegaanka ka jira ay soo rogaan bandow habeenkii ah.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>