Muqdisho (Alshahid) – Dagaalo aad u culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kaladuwan ayaa saaka dib uga qarxay waqooyiga caasimada Muqdisho. Dagaalka ayaa u dhaxeeyo ciidamada dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo ay hogaaminayaan Alshabab.
Dagaalka ayaa waxa uu kaqarxay goobihii shalay lagu dagaalamay ee degmada Cabdicasiis gaar ahaan xaafada Beexaani. Madaafiic aad u cul culus ayaan laga maqlayaa inta badan caasimada Muqdisho waxaana qaar kamid ah madaafiicdaasi ay kudhacayaan suuqa Bakaaraha iyo xaafado kafog goobaha lagu dagaalamayo.
Dadka shacabka ah ee kudhaqnaa xaafadaha uu saaka dagaalka kabilowdaya ayaa iyagu horau uga barakacay guryahooda waxaana wararka ay sheegayaan in ay xaafadaasi inta badan ay cidlo yihiin dagaalka owgiis.
Dagaalkii shalay kadhacay waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ilaa 20 ruux oo rayid u badan halka ay kudhaawacmeen in kabadan 60 kale. Dagaalada kadhaca Muqdisho gudeheeda ayaa inta badan waxa ay khasaaro naf iyo maal ah u geystaan dadka rayidka ah.







