Dagaalo saaka dib uga bilowday Muqdisho.

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa saaka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay ku waabariisatay subax kale oo ay sii socdaan madaafiicda iyo hubka ay is weydaarsanayaan dhinacayada ku lootamaya gacan ku haynta caasimada.

Dagaal goos goos ah ayaa saaka ka socda xaafado katirsan degmada Boondheere halkaasi oo ay shalay inta badan la wareegeen xoogaga Alshabab.

Dagaalka saaka ayaa waxaa si toos ah uga qayb qaadanaya ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi oo taangiyadooda keenay xaafado katirsan Boondheere gaar ahaan isgoyska Boondheere.

Labada dhinac ayaa hada waxa ay isku hor fadhiyaan goobta loo yaqaano Jardiinka Boondheere waxaana si aad ah loo maqlayaa rasaasta ka dhacda taangiga oo ay ridayaan AMISOM.

Shalay galabkii ayaa dagaal ay soo qaadeen xoogaga Alshabab waxa ay kula wareegeen xaafado badan oo hoostaga degmada Boondheere waxa ayna tiigsanayeen in ay la wareegaan Jardiinka Boondheere halkaasi oo wadada ka baxda ay si toos ah u gasho madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM oo u muuqda kuwo hurdo kasoo baraarugay ayaa waxa ay galabnimadii shalay bilaabeen in ay taangiyaal iyo ciidamo efentari ah u diraan jiida dagaalka ee Boondheere balse waxaa muuqata in aysan AMISOM dagaalka waxba badan kusoo kordhin.

Dadka falanqeeya arrimaha dagaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in dagaalkan uu noqon karo mid ay Alshabab ku qabsato Villa Soomaaliya taasi oo hadii ay dhacdo oo afjaraysa jiritaanka dowladda KMG kana dhigaysa AMISOM kuwo laga guulaystay.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>