Dhagaxtuur oo loo magacaabay agaasimo wasaarad.

Muqdisho (Alshahid)-Kullan ay golaha wasiirada ee dowladda KMG shalay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa lagu ansixiyay in Maxamed Cisman Dhagaxtuur, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir laga dhigo agaasimaha wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowladda  KMG Soomaaliya.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah la taliyaha dhinaca saxaafad ee Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashid oo saxaafada la hadlay kullanka ka dib ayaa sheegay in ugu horay kullanka oo uu shir gudoominayay Ra’iisal wasaaraha lagu dhagaystay warbixin uu soo jeediyay wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, Yussuf Maxamed Dheeg oo ka waramay socdaal uu kusoo kala bixiyay wadamo ka tirsan Caalamka.

Intaas ka dib ayaa Ra’iisal wasaaha waxaa uu soo jeediyay in laga doodo magacaabida xilka agaasimaha wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowladda  KMG Soomaaliya, waxaana uu sheegay Cabdi Xaaji Goobdoon  in la isku raacay u magacaabida xilkaas, Maxamed Cisman Dhagaxtuur.

Mudane Dhagaxtuur ayaa horaan u ahaa gudoomiyaha dowladda KMG u qaabilsan gobolka Banaadir, waxaana uu xilkaasi ka casilay bishii November ee 2009 Madaxweyne Sharif  oo ku badalay Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Nuune).

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>