Muqdisho (Alshahid) – Doon nooca kalluumeysiga ah oo laga leeyahay dalka Spain ayaa ka baxsatay Burcad badeedda Soomaalida, kaddib markii ay weerar ku qaadeen si ay u afduubtaan, iyadoo mareysay meel ka mid ah badwaynta Hindiya.
Burcad badeedda oo adeegsanaya doonyo nooca dheereeya ah ayaa weeraray doonidan oo lagu magacaabo Ortube Berria, laakiin waxaa u suuragelin wayday inay gacanta ku dhigaan, sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga ee Spain.
Wasaaraddu waxay sheegtay inuu weerarkani ka mid ahaa weerarro joogto ah oo ay Burcad badeeddu ku qaadaan maraakiibta iyo doonyaha adeegsada marin biyoodka u dhaw Soomaaliya, hase yeeshee ciidamada badda ee Spain oo ku sugan jasiiradaha Seychelles, qeybna ka ah howlgalka la dagaaallanka Burcad badeedda ay badbaadiyeen doonida.
Toddobaadkii hore ayaa kooxaha Burcad badeedda Soomaalida waxay sii daayeen 36 qof oo u dhashay dalka Spain iyo dooni lagu magacaabo Al-Akraana oo laga lahaa dalkaasi, taasoo ay heysteen muddo 45 casho ah, kaddib markii ay madaxfurasho ka qaateen.