Muqdisho (Alshahid)- Dagaal xoog leh oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Alshabab ayaa galabnimadii shalay ka dhacay degmada Yeed ee gobolka Bakool kadib markii sida la sheegay in halkaasi weerar ku qaadeen xoogaga Alshabab.
Afhayeenka dhinaca ciidamada u qaabilsan Alshabab; Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa ka hadlay dagaalkaasi waxa uuna sheegay in ay iyagu weerarka qaadeen ayna gabi ahaanba kula wareegeen gacan ku haynta degmada Yeed.
Abu Muscab ayaa intaasi ku daray in ay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda KMG ee halkaasi ku sugnaa ayna ka qabsadeen saanad military oo uu sheegay in ay Ethiopia laga keenay.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay ciidamada dowladda KMG ee gobolka Bakool laguna magacaabo Xassan Macalin ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday ciidamadooda ku sugan Yeed balse ay iska caabiyeen ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen kooxdii Alshabab katirsanayd ee weeararka soo qaaday waa sida uu Hadalka u dhigaye.
Si kastaba ha ahaatee, waxaana la hubin khasaaraha uu dagaalkii shalay Yeed ka dhacay uu u geystay labada dhinac ee uu dagaalka dhex maray.