Dowladda KMG oo ku hanjabtay in ay xiriirka u jarayso Ruushka.

Muqdisho (Alshahid)-Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan weli wax raali galin ah ka helin dowladda Ruushka kadib markii uu soo baxay warar sheegaya in ciidamada bada ee Ruushka ay bada ku daadiyeen Burcad badeed ay ku qabteen markab shidaal oo Ruushka laga lahaa.

Afhayeenka wasaarada warfaafinta ee dowladda KMG; Abdirisaq Adan ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in dowladda Ruushka aysan wax raali galin ah weli ka bixinin 10kii Burcad badeed ee ay ku siidaysay bada iyo midkii ay ku kor dishay markabka.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jari doonto Ruushka hadii uusan raali galin ka bixin falkaasi uu u gaystay muwaadiniinta Soomaaliya.

“Hadii ay Burcad badeed ahaayeen waxa ay xaq u lahaayeen in la hor geeyo maxkamad ma hayn in bada lagu daadiyo.”
Ruushka ayaa 6dii May ciidamo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran u diray markab ay Burcad badeeda haysteen lana yiraahdo Moscow University waxaana weerarkaasi ku dhintay 1 kamid ah Burcad badeeda waxaana lagu qabtay 10 kale.
Ruushka ayaa maalin kadib ku dhawaaqay in siidaayeen kooxdii Burcad badeeda hayd kadib markii ay arkeen inuusan jirin sharci caalami ah oo qabanaya Burcad badeeda.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>