Dowladda KMG oo sheegtay in ay dhawaan la wareegi doonto gobolka Gedo.

Doolow (Alshahid)-Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya kuna sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dhawaan la waareegi doonan gacan ku haynta gobolka Gedo oo dhami kaasi oo ay hada ka arrimiyaan Alshabab.

Gudoomiyaha dowladda KMG ee gobolka Gedo; Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in uu hada dhamaaday diyaar garawgii ay wadeen ciidamada uu hogaaminayo ayna dhawaan gacanta ku dhigi doonaan dhamaan gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in kooxda Alshabab ay dhibaato badan u geysteen dadka ku nool gobolkaasi haatana la gaaray xiligii meel looga soo wada joosan lahaa.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa soo dhaweeyay go’ankii dhawaan kazoo baxay madaxda Midowga Afrika kaasi oo ku baaqay in mudo 15 cisho gudeheed ah Soomaaliya lagu geeyo 2000 oo askari kuwaasi oo kabi doona ciidamada AMISOM eek u sugan Muqdisho.

Xogta: ALSHAHID

One Response to Dowladda KMG oo sheegtay in ay dhawaan la wareegi doonto gobolka Gedo.

  1. dawlada ku meelgaarka ah see ula wareegaysaa gedo ma ku dhuusaysaa, villa soomaaliya baa xabada wiiftada ah ku socotaaye, wax kasta maanta waa ku hadleen shariif iyo waxa uu wataa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>