Muqdisho (Alshahid)-Seddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah qalinka ugu duugay heshiis ay dowladda KMG la gashay hay’adda Caalami ah oo la yiraahdo SKA Air Logistics, taasi oo muddada 10ka sanno ee soo socota maamuli doonto garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde iyo dekkeda Muqdisho.
Munaasabada lagu kala saxiixanayay heshiiska ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana dhinaca SKA Air Logistics heshiiska u sixiixay madaxa shirkadaas ee Mr. Douglas.
Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in shirkada ay dayactirto isla markaasna si casri ah u qalabeyso garoonka iyo dekkada.
Shirkada ayaa waxaa heshiiska uu madax banaani u siinayaa maamulida dekkeda iyo garoonka iyo waliba in ay hoos yimaadaan maamulada labadaas ilo dhaqaale ay haatan leeyihiin.
SKA Air Logistics, ayaa ah shirkad ka howl gasha wadamada Ciraaq, Kuwayt, Imaaraadka Carabta iyo qaybo ka mid ah Afrika.
Waa markii ugu horysay ee garoonka iyo dekkeda Muqdisho maamulkooda lagu wareejiyo shirkad ajnabi ah.