Muqdisho (Alshahid) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ka qayb-qaadaneyso dagaalo la doonayo in lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka kuwaas oo ka taliya inta badan koonfurta Soomaaliya, waxaana hadalkaan si weyn u soo dhaweeyey Dowladda Federaalka oo sheegtay in uu dhiiragelin u yahay ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu si aad ah uga niyad jabsanaa dagaalada ka socda Muqdisho.
Dowladda Mareykanku waxa ay sheegtay in dagaalada la doonayo in lagu qaado kooxaha mucaaradka ah ay uga qayb-qaadan doonto dhanka Cirka iyo waliba Saadka, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa isweydiinaya waxa ay dagaaladaasi soo kordhin doonaan waayo 1992-dii ciidamo gaaraya 40 Dowladood oo uu horkacayay Mareykanka ayaa soo gaaray Soomaaliya hase yeeshee ciidamadaasi waxay la kulmeen dagaalo aad u xoogan waxayna arrintaasi keentay in Mareykanku u isaga baxo Soomaaliya, sidoo kale ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ayaa soo gaaray Soomaaliya iyana waxay la kulmeen dagaalo aad u qaraar waxayna iyana aakhirkii sababtay in ay ciidamadii Itoobiya si dhaqsi leh uga baxaan Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya waxay soo tababareen ilaa iyo 15-kun oo Ciidamo ah kuwaas oo markii ay soo gaareen Soomaaliya kala firxaday qaarkoodna ay isku dhiibeen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, sidoo kale hubkii ay wateen waxa uu gacanta u galay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, ciidamadaasi waxa ay noqdeen kuwa dhibaato u gaysta bulshada Soomaaliyeed oo isugu jira dil iyo dhac, waxayna taasi keentay in marka la arko askari xiran dareeska ciidamada ay shacabku ka cararaan.
Hadda waxaa wadanka Soomaaliya ku sugan ilaa iyo 5-kun oo ciidamo u ka kala tirsan wadamada Uganda iyo Burundi kuwaas oo aan soo dhaafin gobo mucayin ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho ilaa iyo haddana ma jirto wax ay ka qabteen nabadgelyada Muqdisho, waxayna bulshada Soomaaliyeed sheegayaan in dagaal lagu qaado kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay keeni karto fashil haddii aan la helin ciidan nidaamsan oo aadaabtiisu aad u sareyso.
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda sida Xarakada Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa iyana waxay maalmihii ugu dambeeyey Muqdisho keeneen ciidamo uu tababar u soo dhamaaday kuwaas oo iyana ugu talagaleen in ay ka hor tagaan dhinaca Dowladda iyo Ciidamada Shisheeye.
Isku soo wada duuboo xaalada Soomaaliya ayaa haatan u eg mid marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa mana muuqato xiligaan saansaan looga bixi karo dhibaatada Soomaaliya, waxaana taas lagu macneeyey in ay tahay faragelinta Shisheeye ee ka imaaneysa dalalka dibadda kuwaas oo aan dooneyn in Soomaaliya cagaheeda isku taagto
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com