Duqayn xoogan oo goor dhow Muqdisho ka bilaabatay.

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa daqiiqadihii lasoo dhaafay ka bilowday qaybo badan oo ka tirsan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, duqayn aad u culus kana imanaysa saldhigyada ay AMISOM ku leedahay Muqdisho.

Madaafiicda aadka u culus ayaa bilaabatay xilli uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacayay Muqdisho, waxaana madfaca BMka uu aad ugu soo dhacayaa Suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasi oo ay dadka ku haray Muqdisho maanta ka sameysanayeen dukaameysi ay ugu diyaar garoobayaan ciida soon furka ee dhawaan dhacaysa.

Madaafiicda intooda badan ayaa ku dhacay qeybta Suuqa Bakaaraha ee loo yaqaano waratada, balse ilaa iyo hadda la sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicdaasi kasoo dhacaysa xarunta Xalane iyo Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde.

Dhinaca kale ilo wareedyo laga helay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ayaa sheegaya in saaka ay soo caga dhigatay garoonka diyaarad weyn oo saanad military u siday ciidamada AMISOM.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>