Ganacsata iibsata rasaasta dowladda KMG oo loo digay.

Muqdisho (Alshahid)-Ganacsatada hubka iyo saanada military ee dalka Soomaaliya ayaa looga digay in ay wax ganacsi dhinaca hubka ah la sameeyaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Banaadir; Axmed Xasan Macalin ayaa sheegay in ay dowladda KMG talaabo adag ka qaadi doonto ganacsadihii lagu helo inuu hub ka iibsado askarta ciidamada dowladda KMG.

“Qofkii qalab military ka iibsadaa ciidanka dowladda KMG Soomaaliya waxaan ka qaadi doonaa talaabo adag, waxaan uga digeynaa inay ganacsatada arintaasi ku lugta leh sida haweenka khaadka iibiya iyo kuwa kalaba ay ka feejignaadaan arinkaasi” Ayuu yiri taliye Axmed Xasan Maalin.

Waxa uu intaasi ku daray in ay u xil saareen dabagalka arrintaasi ciidamo katirsan kuwa amaanka ee dowladda KMG ayna gacan adag ku qabanayaan cidii lagu helo in ay howshaasi ku jirto.

Ciidamada dowladda KMG ayaa rasaasta la siiyay in ay ku dagaalamaan waxa ay ku iibsadaan khaad iyo waxyaabo kale maadaama aysan helin mushaaharaad joogta ah.

Go’aanadaani ka soo baxay taliska ciidanka booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa uu daba socdaa go’aano wax looga qabanayo xaaladda amaan ee Muqdisho oo dhawaan ay si wadajir ah u soo saareen talisyada ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>