Gobolka Banaadir oo ku guulaystay tartanka koobkii gobollada Soomaaliya

Garowe (Alshahid)-Kooxda kubada cagta ee gobolka Banaadir ayaa galabnimadii maanta ku guulaystay goobka gobollada dalka Soomaaliya oo dhawaanahan ka socday xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe.

Gobolka Banaadir ayaa ciyaartii fiinaalka kaga badiyay 1-0 kooxdii ka socotay gobolka Bari.

Ciyaarta galabta ayaa ahayd mid aad u xiiso badneyd, waxaana gobolka Banaadir uu goolka la hormaray qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaa ahayd mid aad loogu soo daawasha tagay, waxaana kamid ah dadka daawanayay mas’uuliyiinta Puntland oo uu hormuud ka ahaa, MadaxweynahaPuntland, Cabdiraxman Maxamed Faroole, halka dhinaca dowladda KMG ah uu matalayay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan).

Ciyaarta kadib ayaa waxaa koobka la guddoonsiiyay xulka gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa xaflada lagu guddoonsiinayay koobka ciyaartoy magac ku leh taariikhda Soomaaliya, sida oradyahankii Cabdi Bille Cabdi.

Tababaraha xulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay guusha ay gaareen ,isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay waqti badan kaga baxday sida ay koobka uu qaadi lahaayeen.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>