Muqdisho (Alshahid)-Kadib markii uu maanta bur buray kulankii la filayay in ay mudanayaasha ku yeeshaan guriga ummada ayaa xubnihii baarlamaanka ee kasoo horjeeday gudoomiye nimada Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madobe) waxa ay doorteen gudoomiye cusub oo kumeel gaar ah.
Mudanayaashaasi oo tiradoodu ahayd 319 xubnood ayaa waxa ay kulan ku yeesheen guriga shacabka ee waxa ayna ku doorteen Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ay sheegeen inuu yahay qofka ugu da’ada weyn xubnaha baarlamaanka.
Mudanaha cusub ee la doortay ayaa waxa uu dhashay sanadii 1936 waxa uuna goobta ka balan qaaday in si sharciga waajisan lagu doortay uuna xilkiisa kasoo bixi doono.
Sidoo kale waxa ay isku raaceen in mudo 15 maalmood gudohood ah lagu soo doorto gudoomiye qabta xilka uu ka tagay Sheekh Adan Madobe waa sida ay hadalka u dhigeene.
Dhinaca kale waxa sii xoogaysanaya khilaafka u dhexeeya Sheekh Adan Madobe iyo mas’uuliyiinta sare ee dowladda KMG waxaana ilaa iyo hada aanan jirin war rasmi ah oo kasoo yeeray labada mas’uul ee kala ah Madaxweyne Sharif iyo Raiisal wasaare Cumar.