Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo Libya kala hadlay siideynta maxaabiista Soomaaliyeed.

Tripoli (Alshahid)-Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo kullanka Boqorada iyo Salaadhiinta Afrika kaga qayb galaya magaalada Sirti ee dalka Libya ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay ku qanciyeen siideynta maxaabiis farabadan oo Soomaali ah kuna jiray xabsiyada Libya.

Boqor Cisman Maxamud Buur Madow, oo hogaaminayay Salaadhiinta iyo Boqorada Soomaaliya kullankaas uga qayb galaya ayaa BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ah u sheegay in dowladda Libya ay codsigooda ka aqbashay ayna sii deysay boqolaal Soomaali ah oo xabsiyada dalkaas ugu jiray kadib markii ay si sharci daro ah Libya ku galeen.

“Dhamaan maxaabiistii Soomaalida ahayd ee Libya xabsiyadeeda lagu hayay haatan banaanka ayey joogaan marka laga reebo 5 ruux oo iyagu loo haysto dambiyo waaweyn.”

Boqor Buur Madow ayaa ka codsaday ehelada dadkan laga siidaayay xabsiyada in ay ka faa’iideystaan muddada seddexda bilood ah ee loo qabtay in ay dalka kaga baxaan ayna usoo diraan kharashaadka ay dalkooda hooyo dib ugu laaban lahaayeen.

Libya ayaa xabsiyadeeda geysa Soomaalida dalkaas sharci darada ku tagta kuwaas oo hamigooda uu yahay in ay ka gudbaan badweynta Mediterraneanka si ay u gaaraan dalka Talyaaniga.

Kullanka Boqorada iyo Salaadhiinta Afrika  ayaa ah mid sanadle ah, waxaana golaha la dhisay sanadkii 200, xilligaas oo Madaxweynaha Libya, Mucamar Al-Gadaafi loo doortay Boqorka boqorada Afrika.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>