Muqdisho (Alshahid)-Dowladda Jabuuti ayaa carabka ku adkeysan in waqti xaadirkan aysan diyaar u ahayn in ciidamadeeda ay keento Soomaaliya.
Safiirka Jabuuti u qaabilsan Soomaliya Dhayib Dibad Rooble oo maalmihii tagay ku sugnaa Muqdisho ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xiligaan aysan dowladiisa u diyaarsaneyn ciidamo in ay u soo dirto Soomaliya balse ay soo dirayaan tababarayaal ciidan hadii ay dowladda KMG codsato.
Safiirka ayaa been abuur ku tilmaamay warar dhawaanahan la isla dhex marayay oo ahaa in Jabuuti ay ilaa 500 oo nabad ilaaliyaal ah ay Soomaaliya usoo dirayso.
Hadalka safiirka ayaa waxa uu khilaafsan yahay mid uu dhawaan Gudoomiyaha golaha fulinta ee Midowga Afrika; Jean Ping ka jeediyay kullanki ay madaxda Afrika ku lahaayeen Kampala kaasoo ahaa in dowladdaha Guinea iyo Jabuuti ay 2 batalyan Soomaaliya u dirayaan.
Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah wadamada safka hore loo yaqaano kuwaasi oo uu golaha amaanka ka mamnuucay in ay ciidamo u diraan Soomaaliya.







