Kaluumaysato Faransiis ah oo badbaadiyay Burcad badeed Soomaaliyeed.

Nairobi (Alshahid) – Kaluumaysato Faransiis ah ayaa 8dii March badbaadiyay koox Burcad badeed ah kadib markii laba dooni oo ay wateen Burcad badeed Soomaaliyeed ay kuqarqameen Badweynta Hinya.

Dhacdadan layaabka leh ayaa dhacday kadib markii ay 3 dooni oo ay wataan Burcad badeed Soomaali ah ay weerar kusoo qaadeen dooni kaluumaysi oo France laga leeyahay.

Is rasaaseyn dhax martay ciidamo Faransiis ahaa oo doonida ilaalinayay iyo Burcad badeeda ayaa ku kaliftay in ay Burcad badeedu dib u gurtaan waxaana dooni kamid ah kuwii ay wateen ay ku qarqantay mawjado hirar ah, dooni kale oo isku dayday in ay bad baadiso ayaa sidoo kale qarqantay.

Kaluumaysatadi Faransiiska ahaa ayaa ugurmatay labada dooni waxayna halkaasi ku badbaadiyeen 6 Burcad badeed sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee France.

Faransiiska ayaa dhawaan bilaabay howl galo uu kaga hortagayo weerada Burcad badeeda Soomaaliya waxaana dhamaadkii Todobaadkii hore uu qabqabtay ilaa iyo 35 katirsan Burcad badeeda Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>