Kenya oo diiday in ay Burcad badeeda kale ay wadankeeda ku maxkamadayso.

Nairobi (Alshahid)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin in wadankeeda la keeno Burcad badeeda laga soo qabto meelaha ka baxsan biyaheeda. Sida uu wariyayaasha Nairobi ugu sheegay Xoghaya Guud ee Wazaarada Amaanka Gudaha ee Kenya, Frances Kimemia.

“Waanu ka qayb qaadanaynaa la dagaalanka Burcad badeeda balse ma yeelayno inaan qaadno culayska dal kale” ayuu yiri Mr. Kimemia

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka ee Kenya Amos Wako ayaa beeniyay inuu saxiixay heshiiska ay Kenya la gashay dowladaha shisheeye ee ku aadanaa maxkamadaynta Burcad badeeda.

Amos Wako oo ay suaalo waydiinayeen gudiga baarlamaanka u qaabilsan arimaha difaaca ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiska balse uu ogyahay in ay saxiixeen saraakiil Kenyan ah oo jooga wazaarada arimaha dibada.

Kenya iyo Seychelles ayaa ah labada wadan ee Africa ku yaala kuwaasi oo ogalaaday in wadankooda lagu maxkamadeeyo Burcad badeeda Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>