
Wasiirka Horumarinta Gobollada Waqooyi Kenya
Nairobi (Alshahid) – Wasiirka Horumarinta Gobollada Waqooyi ee dalka Kenya Maxamed Ibraahim Cilmi “Maxamed Faay” oo wareysi gaar ah siiyay Alshahid.net ayaa ku celiyay mowqifkii dowladdiisa ee ahaa inaanay wax ciidan u diri doonin gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna uga digay dadka gobollada Waqooyi Bar ee ay Soomaalidu degaan inaysan faraha la gelin dagaallada Soomaaliya ka socda.
Wasiirku wuxu sheegay in dagaallada ka socda Koonfurta Soomaaliya ay saamayn ku yeesheen dhallinyarada Waqooyi Bari ee Soomaalida ah.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli uu dhowaan Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji uu ugu yeeray dhallinyarada Soomaalida ee Waqooyi Bari inaysan gacmaha la gelin waxa uu ku tilmaamay falalka kharbudaadda ah ee ka socda Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa wadahadallo la leh hoggaamiyeyaasha qabaa’ilada iyo siyaasiyiinta gobollada Waqooyi Bari ee Kenya si aysan u dhicin in dhallinyarada deegaanka ay faraha la galaan arrimaha Soomaaliya.
Todobaadyo ka hor waxaa magaalada Garisa caasimadda Gobolka Waqooyi Bari booqasho ku tagay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Kolnzo Misyoka si uu ugu baraarujiyo waxgaradka deegaanka inay ku dadaalaan amniga xudduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo in dhallinyarada deegaanka laga ilaaliyo inay wax lug ah ku yeeshaan dagaallada Koonfurta Soomaaliya.