Nairobi (Alshahid)-Khaadiga u sareeya dalka Kenya, Kasim Axmed ayaa xalay shaaciyay in Muslimiinta Kenya ay soonka furi doonaan isla markaasna Ciidi doonaan maalinta Sabtida ah halka la wadamada Islaamka badankood laga ciidi doono Jimcaha.
“Muslimiinta Kenya waa in ay ku Ciidaan goobihii hore, waana maalinta Sabtida ah ciidul Fitriga.”Ayuu saxaafada Kenya u sheegay Khaadi Kasim Axmed.
Khaadiga ayaa sheegay in Muslimiinta Kenya ay afuri doonaan marka ay u dhamaato 30 ka maalmood ee soonka, isaga oo xusay in maalinta Jimcaha ay 29 u tahay Muslimiinta Kenya badankood.
Dhinaca kale, Muslimiinta Kenya, kuwoodii la soomay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in ay maalinta Jimcaha (Berri) ay ciidi doonaan maadaama ay u dhamaatay 30kii berry ee bisha Ramadhan.
Dowladda Kenya ayaa dhinaca kale shaacisay in maalinta Sabtida ay noqon doonto maalin fasax ah dalka oo dhan.
Muslimiinta Kenya ayaa inta badan isku khilaafa tukashada salaada Ciidul fitri, waxaana ay taas keentaa in ay kala tukadaan.