Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Sudan oo Qabtay Xaflad Sanandeedkiisii

Sudan2Alshahid( Khartoum) – Waxaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum ka dhacay maalinimadii Axadda 29/11/2009, xaflad sanandeedkii Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Sudan ( Somali Youth Forum in Sudan), xafladdan oo aalaba ku beganta maalinka saddexaad ee ciidda Carrafo ayaa waxaa  ka soo qeybgalay dad kor u dhaafay ilaa 600 oo qof oo isugu jira; ardada wax ka barata Sudan, xubnaha jaaliyadda, aqoonyahnno, warfidiyeenno, waxgarad, iyo mas’uuliin ka socday saafardda Soomaalida ee dalka Sudan.

Waxaana xafladda hadallo ka soo jeediyay waxgarad, culumo, aqoonyahanno, iyo mas’uuliinta Kullanka Dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxaana culumadii halkaa ka hadashay kamid ahaa Sh. Nuur Macallin oo ugu baaqay bulshada Soomaliyeed meel ay joogtaba midnimo iyo iskaashi, iyo in ay ka fogaato wax kasta oo dhaawici kara midnimadooda.sheekh nuur

 Waxaa sidoo kale jiray dood cilmiyeed ay soo jeediyeen saddex aqoonyahan oo ka hadlay “ Siyaasadda Islaamiyiinta Soomaaliya heerka ay joogto iyo halka laga doonayo” tasoo dadkii xafladda ka soo qeyb galay ay si diiran ra’yigooda uga dhiibteen.

 Waxaana ugu dambeyntii kulanka ka hadlay gudoomiya Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee xilligan Saalax Sh. Axmed, isaga oo soo bandhigay wixii u qabsoomay isaga iyo xubnaha maamulkiisa xilligii ay mas’uuliyaddan hayeen iyo qorsha hawleedkooda mudada u dhiman.

kullanka1 Waxaa kale oo lagu soo bandhigay xafladda barnaamijyo isugu jira madadaalo, kedis, iyo suugaan oo dadkii ka soo qeybgalay ay aad ula dhaceen. Kullanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa xafladdan oo kale qabta sanadkiiba mar.

 

Anwar Bakhiit

Khartoum

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>