Kullankii Muqdisho uga socday Alshabab iyo Xisbul Islam oo bur buray.

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa fashilmay kullan maalmihii dambe Muqdisho uga socday ururada mucaaradka ah ee Alshabab iyo Xisbul Islam kaasi oo ay uga wada hadlayeen isku biirid labada dhinac ah.

Warar ku dhow dhow saraakiisha Xisbul Islam uga qayb galaysay kullankaasi ayaa sheegay in wadahadalka uu bur buray kadib markii xubnihii Alshabab matalayay ay diideen dhowr qodob oo ay soo jeediyeen Xisbul Islam.

Kullanka ayaa ka dhacayay degmo katirsan Muqdisho oo aanan la shaacin sababo amaanka la xiriira awgood, waxaana kooxda Alshabab matalayay 5 xubnood oo uu hogaaminayay Sheekh Mukhtar Roobow (Abu Mansuur) halka Xisbul Islam ay matalayeen 5 xubnood oo uu madax u yahay Sheekh Xassan Dahir Aways.

Qodobada la isku afgaran waayay ayaa waxaa ugu weynaa awood qaybsi dhex mara labada kooxood kadib marka ay midoobaan waxaana wafdigii Alshabab ay u sheegeen Xassan Daahir iyo saraakiishii in ay hubka soo wareejiyaan ayna kamid noqdaan saraakiisha heer dhexaadka ah ee ay Alshabab leedahay.

Fashilka ku yimid kullankaasi ayaa waxa uu niyad jab ku yahay taageerayaasha labadaasi koox kuwaasi oo ku hanweynaa in isku biiritaanka labada dhinac ay sahli doonto in dalka oo dhami ay gacanta ku dhigaan.

Alshabab iyo Xisbul Islam ayaa marar badan waxa ay ku dagaalameen dhowr jeer gobolada dalka waxaana Alshabab u suura gashay in ay si inqilaabi ah kula wareegaan deegaano badan oo ay horay Xisbul Islam uga arrimin jirtay.

Xogta: ALSHAHID

One Response to Kullankii Muqdisho uga socday Alshabab iyo Xisbul Islam oo bur buray.

  1. Waan ku faraxsanahay burburkaas waayo khayr awalba kama shaqeyneyn ee dad leeyn ayay u midoobayeen mida kale way ku macaan tahay Axmaq Dahir Aways inay sidaan ku dhacdo waayo waxaa laga waayay umada ka harso wuuna hayaa wixii uu rabey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>