Muqdisho (Alshahid) – Burcadda badeeda Soomaalida ee haysta lamaanaha Ingiriiska ayaa sheegay in sii daynta qoyskaasi ay ku xiran tahay lacag madax furasho boo gaaraysa ilaa 7 milyan oo doolar.
Burcadda ayaa mataanahaan oo lagu kala magacaabo Paul Chandler, 59 jir ah, iyo xaaskiisa Rachel, oo iyana 55 jir ah, ka soo afduubtay waqooyiga Jasiiradda Seychelles, maalinimadii Jimacaha ee aan soo dhaafnay.
Sida la ga soo xigatya nin lagu magacaabo Gedow oo sheegatay inuu ka mid yahay ciidamado si mutadawacnimo u ilaaliya xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegayan in lamaanahaas marka la soo qabanayay ay ku gudo jireen xeebaha Soomaaliya.
“Waxay biyaha Soomaaliya soo galeen ogolaansho la’aan, waana midda keentay in la soo qabto” ayuu yiri Geedow, oo sheegay inaysan burcad badeeda ahayn, balse ay yihiin dad isu xilsaaray ilaalinta xeebaha Soomaaliya.
“Way adag tahay inaan kala saarno qofka kheyraakeeda xadaya iyo kana aan xadayn, sidaas darteen waxaan wada qabanaynaa qof kasta oo soo gala biyaheena amar la’aan” ayuu yiri Geedow, oo intaa ku daray “Lacag ayaan dul dhigaynaa, waana inay bixiyaan”