Garowe (Alshahid)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay warbixin si qarsoodi ah ay warbaahinta u heleen oo ay diyaariyeen khubaro kasocda Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay taasoo ku eedaysay in dowladda Puntland ay gacan siiso kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya kuwaaso afduubta maraakiibta marata Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guled ayaa lagu sheegay in ay dowladda Puntland kaxumaatay ayna cambaarayneyso warbixinta la horgeynayo Qaramada Midobay taasoo uu warsaxaafadeeku ku tilmaamtay mid ay qoreen canaasiir kasoo horjeeda wanaaga Puntland.
Puntland ayaa ugu baaqday in uu Golaha Amaanka uu baaritaan kusameeyo warbixinta hadii ay muhiimtahayna ay Puntland ka qayb qaadanayso baaritaankaasi.
Nuqul kamid ah warbixinta Golaha Amaanka oo ay si qarsooni ah u heshay warbaahinta caalamka ayaa waxaa ku jiray eedayn loo soo jeedinayo madaxda sare ee maamulka Puntland taasoo ah in ay kaqayb qaataan howlaha Burcad badeeda ayna kahelaan dhaqaalo tira badan.