Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG oo eedeyn usoo jeediyay WFP.

Muqdisho (Alshahid)-Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG ayaa ku eedeeyay hay’ada Qaramada Midobay u qaablsan cunnada ee WFP musuq maasuq ay ku sameyso cunnada loogu tala galay dadka barakacayaasha ah eek u sugan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG; Maxamed Cabdullahi Cariig oo maanta saxaafada kula hadlay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in saraakiisha hay’ada WFP iyo qandaraas layaasha ay iibsadaan inta badan raashinka gar gaarka ah ee loogu tala galay dadka dhibaateysan.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay in ay dhawaan ku amri doonaan hay’ada WFP in ay soo bandhigto waxqabadkeeda iyo sida ay u qaybiso cunnada gar gaarka  taasi oo hadii lagu helo in ay wax is daba marin samaysay la marin doono sharciga.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa WFP dusha kaga tuuray mas’uuliyada dagaalkii dhawaan ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ku dhex maray degmada Waabiri  magaalada Muqdisho isaga oo carabka ku adkeeyay in hadii ay WFP raashin qaybinta la socodsiin lahayd maamulka gobolka Banaadir ay iyagu qaadi lahaayeen amaanka raashinka.

WFP ayaa horantii sanadkan waxaa isugu darsamay mashaakil dhowr ah kadib markii ay Qaramada Midobay soo saartay warbixin sheegaysay in cunnada gar gaarka ay inta badan gasho gacanta xoogaga mucaaradka ku ah dowladda KMG.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>